James Swan oo ka hadlay kulankii ay la qaateen Madaxda dowlad goboleedyada

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay kulankii ay maanta la qaateen madaxda dowlad goboleedyada.

James Swan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qeybgalka kulankii maanta uu la yeeshay isaga iyo wakiilo ka socday beesha caalamka madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.

Kulanka waxaa looga hadlayay sidii lagu soo afjari lahaa khilaafka harreeyay doorashada.

“Waxaan soo dhaweyneynaa dadaallada wadajirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebtembar” ayuu yiri James Swan.

Kulankan ayaa daba socda kulamo ay wakiilada beesha caalamka la yeelanayaan dhinacyada siyaasada Soomaalida, si loo soo afjaro khikaafaadka hortaagan doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -