Haddii Malaay-mileeydu noqon lahaayeen Shaqaalaha ugu Mushaharka badan!

Kuma deel-qaafin ereyga Malaay-mileey. Sida aan ugu dhawaaqno ayaan u dhigay. Waayo innaga oo heli karna inaan magacii ku habboonaa u bixino ayaan dooranay inaan ugu yeerno. Dabcanna, sida fudud oo aan magacooda u sahashanay ayaan sidoo kale u liidnay shaqada nadaafadeed oo ay inoo hayaan.

Shaqaalaha nadaafadda ee dunida saddexaad waa kuwa ugu ayaanka daran. Kuweennuna waa ugu daran yihiin. Afrikana waa qaaradda ugu cudurrada iyo gaajada badan. Taas micnaheedu waa inuu jiro xiriir – ka Soomaali ahaan – aan sahashanay balse si qoto dheer uga dhaxeeya shaqada nadaafadleyda iyo horumarka iyo caafimaadka degaanka. Marka ay timaado inaan ogaano xiriirka ka dhaxeeyana, waa goor aynu kasii guuri doono dunida uskagga, cudurrada iyo gaajada – una dabaal-degi doono dalsan barwaaqo ah iyo degaan indhuhu majeersadaan inay kusoo dalxiisaan.

Qiyaasta lagu yaqaan umadaha deegaan quruxsanaantu aysan u laheyn mudnaan sarreysa, waxaa caadiyan lagu gartaa heerka nololeed oo ay ku shaqeeyaan ama ku nool yihiin shaqaalahooda nadaafadda. Waxay yiraahdaan kuwa dhulka xaaqa iyo kuwa qashinka ururiya. Waxaana cajiib in la dhigay booska ugu hooseeya kala sarreynta xirfadaha. Tani dhab ahaantii waa u shaqo iyaga — u eegis la’aan inaad ku qadariso iyo in kale! Dadaalka ay bixiyaan dartood, waxaa lagu helaa jidad hufan iyo faras magaale qurxoon. Waa hubaal in midka xaqiiqsanaya in wax kasta oo nagu gadaaman ay nadiif noqdaan uu yahay midka aan isha liidata ku eegno. Iska daa in looga mahad-naqo juhdiga ay bixiyaane, xittaa looma tiigsado in hadal dabacsan lala yeesho. Waxaa abaal looga dhigaa caay iyo canbaareyn.

Nasiib-darro, la-dhaqanka qalafsan ee inagala dhaxeeya shaqaalaheenna nadaafadda, ma ahan mid dhawaan-dhalad ah. Waa mid soo jireen ahaa taniyo markii aan lasoo qabsanay nolosha reer magaalnimada. Dib markaan u raacno taariikhdeenna, wali madhicin in magac fiican loogu yeero – iskaba daa in xirfadooda kor loogu dhigo qiimo ahaan. Waagii hore oo xittaa shaqada nadaafaddu ay mudnaan weyn u laheyd dalkeenna – siiba xilliga dowladdii dhexe – oo xittaa magaalada Muqdisho ay noqotay mid kamid ah magaalooyinka ugu amniga iyo nadaafadda badan qaaradda Afrika sannadihii 80-meeyadii, magacoodu marna kama dheeraan in la ceebeysto. Waxaa loogu yeeri jiray ereyo ay kamid yihiin isbasiini.

Runtii tani waa wax laga xumaado. Balse sidoo kale waa mid aynu ka shalaayi doono goor aan dheereyn. Shaqaalaheenna nadaafaddu waa kuwii aan ugu baahida badneyn inaan ugu yaraan ku ilaalino hadal macaan iyo waji furan si aysan ugu niyad-jebin diifta iyo rafaadka ay ka dhaxlaan daabulka iyo ururinta qashinka hareeraheenna tuban. Qaar baa cayda iyo yasmada sahay uga sii dhiga. Qaarkeenna maba jecleystaan inay la hadlaan, ag istaagaan amaba il naxariisi ku dheehan tahay ku deymoodaan.

Waxay ila tahay arrimo badan oo masiiri ah dalkeenna maanta ka taagan in meel dhow xalkooda laga heli karo haddii loogu kuur-galo doorka shaqaalaha nadaafadda. Dunida Galbeedka iyo America oo – bilicda il-doogsiga leh – innaguna malihin. Waxaana muuqata in dhalinyaradeennu ay ugu haliilaan sida dhul ay dhaxal u leeyihiin. Ujeeddo badanta ku qaadeysa inay mar un gaaraan ciidda Yurub waa daaraha iyo laamiyada quruxda leh iyo ubaxyada kala ceynka ah ee dhinacyadooda lagu safay.

Jaceylkaas iyo xiisaha dhulkooda loo qabo waxaa suura-geliyay shaqaalaha nadaafadda. Haddii kuweennu loola dhaqmi lahaa sifo taas lamid ah; kor loo qaadi lahaa tayada shaqadooda iyo mushaharka ay ku shaqeeyaan, waxaan awoodi laheyn inaan helno;

1. Dal qurux badan oo loo soo dal-xiis tago lacag adagna soo geliya qasnadda dowladeenna.

2. Shaqo abuur dhalinyaradeenna looga sameeyo qeybaha kala duwan ee kaabayaasha iyo ilaha dhaqaalaha dalka.

3. In caafimaadka bulshada iyo faya-dhowrka degaankeennu uu sameeyo soo kabsasho cajiib ah: oo mar labaad suura-gelisa in si hufan loogu neecawsado. Taas oo yareyn karta lacagta badan oo aan ku bixino caafimaadka.

Ugu danbeyntii, Ilaahay agtiisa shaqaalaheenna nadaafaddu raqiis kama ahan. Waxay ku yihiin qaali. Waayo waxay hayaan camal kamid ah acmaasha ugu mudan ee jiritaanka noolaha iyo aadmigaba laf-dhabar u ah. Eebe wuu qurux badan yahay, wuuna jecel yahay quruxda. Maadaama ay hayaan camal Ilaahay farxad gelinaya, waxaa u siman inaan ceebeysano ama cirka dushiisa dhigno. Waana farriinta aan u sido shaqaalaheenna nadaafadda.

Balse waa mas’uuliyad xumideenna iyo dafiicnimada na heysata inaan garan la’nahay – shacab iyo dowladba – inaan u dhoolla-caddeyno; hadal macaan u quurno; una istaagno marka ay qashinka naga qaadayaan.

Waa la joogaa waqtigii aynu beddeli laheyn aragtida hooseysa oo aan ka heysano shaqaalaha nadaafadda Soomaaliyeed.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -