Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada qarax lagu dilay Ciidamo Itoobiyaan

Wararka ka imaanaya magaalada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegaya in qarax lagu weeraray kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay duleedka magaalada , waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro kala duwan.

Qaraxa oo ahaa nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa wararku sheegayaan  in uu haleelay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada Itoobiya gaar ahaan gaari Uuraal ah oo ciidamo la socdeen.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegteen masuuliyada qaraxan lala eegtay ciidamada Itoobiya, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxaasi ku dileen saddex askari oo Itoobiyaan ah halka tiro kalana ku dhaawacmeen.

Al Shabaab ayaa qaraxyo miino iyo madaafiic ku weerarta ciidamada Itoobiya ee ku sugan qeybo kamid ah dalka gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana weeradaasi mararka qaar ciidamada Itoobiya kasoo gaara khasaaro kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -