Dowlada Soomaaliya oo shaacisay in ay la jirto Boqortooyada Sacuudiga 

Waxaa meel xun gaaray xiriirkii Diblumaasi iyo midkii ganacsi ee u dhaxeeyay Dowladaha Sacuudiga iyo Canada, kadib markii dowlada Canada ku cambaareesay Sacuudiga dad la xir xiray.

Sacuudiga ayaa dalkeeda ka eriday safiirkii dowlada Canada u joogay magaalada Riyaad, waxa ayna Sacuudiga u yeeratay safiirkii u joogay dalka Canada, waxa ay sidoo kale Sacuudiga joojisay xiriirkii ganacsi iyo duulimaadkii Canada ka imaan jiray.

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Sacuudiga, kasna oo horjeedo in faragalin lagu sameeyo Arimaha Gudaha Sacuudiga.

“Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.

Ugu Dambeyn War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay rajeeneyso in dib loo soo celiyo xiriirka Diblumaasiyadeed ee Sacuudiga iyo Canada lagana hesgiiyo khilaafka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -