Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydka Marxuumad Khadiijo Diiriye oo si heer Qaran ah loogu aasay Muqdisho (Sawirro)

Waxaa maanta mgaalada Muqdisho si heer qaran ah loogu aasay Allah ha u naxariistee Khadiija Maxad Diiriye, oo aheyd wasiirkii haweenka iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, oo shalay ku geeriyootay dalka Jabuuti.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxda sare ee dowladda, sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoonka baarlamanka, madax hore, iyo xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda, iyo dadweyne kale.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, Madaxda Qaranka, Wasiirro ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti, siyaasiyiin, culamaa’uddiin iyo qaybo kala duwan oo ka mid ah bulshada ayaa dalka Jabuuti ka soo raacay meydka Allaha u naxariistee Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo geerideeda naxdin iyo lama filaan ku noqotay dadka Soomaaliyeed.

Masuuliyintan ayaa salaada Janaasada kula tukadaya Marxuumada teendhada Afisiyooni ee garoonka Aadan Cabdulle, waxaana ugu dambeyn lagu aasay qabuuraha agagaarka Isbitaalka Xoogga dalka oo ku yaalla degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Marxuumadda oo ka mid ahayd wafdigii Ra’iisul Wasaaraha ee ka qeybgalayey Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Djibouti oo loo dhigay xannuun degdeg ah oo asiibay.

Related posts

Kenya oo tijaabineysa in Dhiiga cad lagu daweyn karo dadka qaba Caronavirus

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo la magacaabay (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Saciid deni oo dhagax dhigay Mashaariic laga fulinayo Boosaaso (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---