Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil saakay ka dhacay Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay Xaafada Al Baraka ee degmada Hodan waxa ay ku dileen nin la sheegay in uu katirsanaa Shaqaalaha Wasaarada Arimaha gudaha iyo federaalka ee dowlada Soomaaliya.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in rag hubeesan oo kooxdooda katirsan Xaaafada Al Baraka ku dileen Cabdi Maxamed Cosoble (Cabdi Madoobe) oo Al Shabaab sheegeen in uu katirsanaa saraakiisha Wasaarada Arimaha gudaha.

Ragii dilka ka geestay xaafada Al Baraka ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana dilka kadib goobtaasi gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyay halka dilku ka dhacay.

Al Shabaab ayaa dilal qorsheesan ay ku beegsadaan shaqaalaha dowlada iyo ciidanka waxa ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho, waxaana inta badan baxsada raga hubeesan ee dilalkaasi fuliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidanka ATMIS ka baxay saldhig muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamadii ugu Dambeeyay ee u dhashay Britain oo isaga baxay Afganistan (Sawirro)

Cabdi Cade

Haweeney ka tirsaneyd Al-Shabaab oo ciidamada Kenya kala qeyb gashay dhoolatus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---