Wasiirka Amniga oo caawa kormeer kedis ah ku tegay xarumaha Booliska qaarkood (Daawo Sawirro)

Masuuliyiin iyo saraakiil ay ka mid ahaayeen Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamd Abuukar Islow Ducaale iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa caawa kormeer kedis ah ku tagay qaar ka mid ah xarumaha Ciidanka Booliska Muqdisho.

Waxaa ka mid ahaa xarumaha ay booqdeen Taliska Qeybta guud ee Booliska G/Banaadir, Xarunta CID iyo saldhigyada degmooyinka kaaraan, Boondheere iyo Hodan.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa u kuur galay sida ay u socdaan howlaga xarumahaasi iyo haddii ay jiraan habacsanaan dhanka shaqada ah, waxayna howlaha Ammaanka ka wareysteen Taliyeyaasha xarumihii ay booqdeen.

Kormeerkaan kediska ah ayaa intii uu socday Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow iyo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Bashiir Cabdi Maxamed waxay ay la kulmeen qaar ka mid ah Bulshada ku nool degmooyinka Kaaraan, boondheere iyo Hodan, iyaggoo ka wareystay sida ay ula dhaqmaan Ciidamada Ammaanka, waxaan ay ka qaateen aragtiyo iyo talooyin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -