Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni iyo Madaxa DP-WORLD oo daah-furay shaqada balaarinta dekeda Boosaaso (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay shaqada balaarinta iyo horumarinta lagu samaynaayo Dekedda magaalada Boosaaso.

Dekedda ayaa la balaarin-doonaa 450m, iyadoo 150m ee ugu horeeyay hadda la billaabayo, waxaana sidoo kale qorshuhu yahay in hoos-u-qodka Badda la gaarsiiyo 11m.

Waxaa intaa dheer u diyaarinta Dekadda Mid awood u leh Maraakiibta waa-weyn inay kusoo xirtaan, konteenarada guurguura, Mashiinada iyo Agabka shaqo ee Dekadda yeellanayso.

Munaasibadda waxaa kasoo qayb-galay wefti balaaran oo uu hogaaminayo CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe iyo Africa Suhail Al-Banna, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cisman, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, isimada dhaqanka, siyaasiyiin, haldoor, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirkii Qunfaca oo loo magacaabay Madaxweyne kuxigeenka dalka Tanzaaniya

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirkii Golaha Wadatashiga ee xalay dhacay iyo qodobadii…

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo War kulul ka soo saaray Nabadoono lagu dilay gobolka Hiiraan

Caydiid Ali