Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Guddoomiye degmo iyo ku-xigeenkiisii oo shaqada laga joojiyey & Sababta ka dambeysa

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa go’aan ku meel gaar ah kasoo saartey Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo bilooyinkii ugu danbeeyey uu ka jirey jahwareer iyo khilaaf hakiyey shaqooyinkii ka socday degmadaas.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aden oo fulinaya amarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo saarey digreeto uu shaqada kaga joojinayo gudoomiyihii degmada Baardheere Cabdullaahi Nuur Xasan (Cadow) iyo gudoomiye ku-xigeenkiisii Ismaaciil sheekh Cabdi (Qorrax).

Labada masuul ayaa lagu amrey inay magaalada Kismaayo ee caasimada KMG ah ee Jubbaland soo galaan.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa magacaabey madaxa arrimaha Bulshada ee degmada Baardheere Macalin Xuseen Cabdullaahi Xalane inuu si kumeel gaar ah shaqada Maamulka degmada uu u sii wado inta xal laga gaarayo khilaafka ka dhex aloosan labada masuul ee degmadaas ugu sareysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo goor dhow jeedinaya khudbad ku saabsan Xukunka ICJ ee Kiiska Badda

Caydiid Ali

Nin lagu eedeeyay in xalay uu dilay Nabadoon Xasan Cali Muude oo si deg deg ah loo toogtay

Cabdi Cade

Xildhibaan Buuq ka dhaliyey kulankii Madaxweyne Farmaajo lagu taageerayey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---