Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo goor dhow jeedinaya khudbad ku saabsan Xukunka ICJ ee Kiiska Badda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow shacabka Soomaaliyeed u jeedinaya khudbad  ku saabsan Xukunka Maxkamada ICJ ee Kiiska Badda.

“isagoo la wadaagaya Shacabka halgankii loo soo maray Kiiskan, caqabadihii ku xeernaa iyo aragtida daris wanaagga ku dhisan ee labada shacab ee Soomaaliya iyo Kenya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay goor dhow Villa Somalia.

Dhinaca kale, Farmaajo oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed,Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Cali Cabdi Wardheere iyo Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa Madaxtooyada si toos ah daawanayey xukunka kama danbaysta ah ee Maxkamadda Adduunku ka soo saartay Kiiska dacwadda Baddeena.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

AMISOM oo bogaadisay Dadkii shacabka ahaa ee ciidankooda ku laayeen Shalambood

Cabdi Cade

Dowlada Mareykanka oo hawada ka saartay Wabsetyo waa weyn oo laga leeyahay dalka ….

Cabdi Cade

Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu horkacayo oo dalka ka ambabaxay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---