Jubbaland oo go’aano ka soo saaray mashaqo ka jirtay duleedka Kismaayo (Akhriso)

Golaha Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa go’aan kama danbeys ah kasoo saarey khilaaf ku saleysan deegaamaysi oo ka jira deegaamada hoostaga magaalada Kismaayo ee caasimada kmg ah ee Jubbaland.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal beeleed maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay deegaanno hoos taga magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka Jubbada Hoose Kaasoo salka ku hayey muran dhinaca dhulka ah.

Kadib markii uu Golaha Amniga Jubbaland dhageystey warbixinta Taliyaha Booliska Korneel Maxamed Naasir iyo Gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Timojilic waxay soo saareen go’aamada hoos ku xusan.

1-In Booliisa Jubbaland qeybta gobolka Jubbada hoose ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan danbiyadii dhacey, Ciddii ka danbeysey iyo Nuxurka sababta khilaafka keentey.

2-In Tuulada uu khilaafku ka taaganyahay la joojiyo dhismaheeda haddana la tiro koobo inta dhismo ee kajirta.

3-In lasoo qabto sharcigana la horkeeno dadkii ka danbeeyey dhibaatooyinkii ugu danbeeyey ee lahaa dhimashada iyo dhaawaca, ayada oo la xaqiijinayo tirada dhimashada iyo dhaawaca jira.

4-Waxaa la farey Booliiska Jubbaland qeybta gobolka Jubbada hoose in inta labaarayo dhacdooyinkan soo noqnoqdey ay guryahooda ku ekaadan labo masuul oo magacyadooda loo soo gudbiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -