Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaan Buuq ka dhaliyey kulankii Madaxweyne Farmaajo lagu taageerayey

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka tirsan xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka Somalia ayaa buuq ka dhex dhaliyay kulankii lagu taageerada Madaxweynaha ee maanta ka dhacay Muqdisho

buuqa ayaa yimid ka dib markii xildhibaanka oo hadlayay uu soo jeediyay in la tuuro Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku-xigeen, haddii ay heshiin waayaan, isagoo ku eedeeyay inay qeyb ka yihiin khilaafka kala qeybiyey baarlamanka.

“Mursal, Muudey, iyo Mahad, saddexdooda isku mid ayay noo yihiin, haddii ay heshiin waayaan aan tuurno, Guddoon cusub aan doorano, labadan sano ee dowladda u dhiman mooshin la’aan haku dhameysato”ayuu yiri Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar

Hadalkaas ayaa bedelay jawigii kulanka taageerada Madaxweyne Farmaajo, waxaana xildhibaanka ku buuqay xildhibaano diidanaa weerarka uu ku qaaday labada guddoomiye ku-xigeen ee Baarlamanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Sudan oo qaadacay Shirka Nabadda ee ka socda Sacuudiga iyo hal arrin oo Sabab u ah

Cabdi Cade

Duulimaad Toos ah oo isku xiraya Garawe iyo Djabuuti oo la daah furay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xiliga uu furmayo Kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamanka Somalia oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---