Dalkii ugu horeeyay oo Afrikan ah oo Taangiyo Dagaal ugu deeqay dalka Ukraine

Dowladda Ukraine ayaa qaar kamid ah waddamada caalamka ka codsatay taageero milatari, gaar ahaan hub culus ay isaga difaacaan ciidamada Ruushka sida taangiyo , diyaarado dagaal iyo hubka difaaca cirka.

Qaar kamid ah dowladaha caalamka uu ku jiro Mareykanka ayaa Ukraine ugu deeqay hub kala duwan ,kuwaa oo hadda ciidamada Ukraine gacan ka siinaya sidii ay isaga difaaci lahaayeen duullaanka ciidamada Ruushka.

Dalka Morocco ayaa noqday dalkii ugu horeeyay oo Afrikan ah oo taageero milatari siiya Ukraine, waxa ayna Morocco ugu deeqday dalkaasi 20 taangiyada noocoodu yahay T-72B , si ay ugu adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan ciidanka Raashiya.

Taangiyadan dalka Morocco ugu deeqay ciidamada Ukraine ayaa la geeyay dalka Czech Republic halkaas oo dib u casriyeen loogu sameenayo, waxaana lagu wareejin doonaa taangiyadaasi la habeeyay ciidamada Ukraine si ay ugu dagaal galaan.

Dowladda Morocco ayaa heesata ku dhawwaad saddex boqol oo taangiyo nuucyada T-72s, T-72Bs T-72BKs, waxa ayna Morocco noqotay dalkii ugu horeeyay oo Afrikan ah oo hub ku taageera dowladda Ukraine oo dagaalka kula jirta Ruushka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -