Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jabhadda hubeysan ee Amxaarada oo u hanjabtay dayuurada Ethiopian Airlines

Jabhadda hubeysan ee Amxaarada ah ee Fano ayaa digniin u dirtay hay’adda duulista Itoobiya taasoo ku saabsan diyaaradaha Ethiopian Airlines.

Jabhada ayaa ku eedeysay shirkadda iney ciidanka Ethiopia u isticmaalayaan duubulidda ciidamada.

FANO oo qoraal ku baahisay baraheeda warbaahinta ayaa sheegatay inay heystaan gantaalo lidka diyaaradaha ah oo awood u leh in ay damiyaan ama joojiyaan hawlaha diyaaradaha ganacsi ee shirkadaas, waxayna xuseen in ay haystaan gantaalo gaaraya 40,000 feet.

Sida lagu helayo xog dhanka duulimaadka ah, Ethiopian Airlines ayaa dib u jihayn ku sameysay khadkeeda duulimaadyada ee hawada gudaha dalkaas sababa la xiriira khatarta ka timid dhanka Jabhadda Fano.

Duulimaadkeedii ka imaanayeyey Europe, Woqooyiga Mareykanka iyo Asiya ayaa mar hore khadadkooda dib u jihayn laga sameeyey iyadoo laga weeciyey degaanada amxaarada.

Ethiopia ayaa hadda mareysa meel is-goys ah, kadib markii Jabhadaha mucaaradka Itoobiya ay dib isu soo abaabuleen, waxaana ay fagaareyaal dagaal oo dhawr ah uga soo adkaadeen Ciidanka maamulka Abiy ahmed..

Related posts

Muuse Biixi oo xilka ka qaaday Xubno katirsan Xukuumadiisa kuwa cusubna Magacaabay

Cabdi Cade

Duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsan Xamaas oo ka dhacday Magaalada Beirut

Caydiid Ali

Calooshood u shaqeystayaal garab siinayay Khaliifa Haftar oo isaga baxay aaga Dagaalka

Cabdi Cade