Rag Dil kasoo goostay magaalada Garawe oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Ciidanka booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa xalay abaara 10:30 Habeenimo gacanta ku dhigay Koox Eedeysanayaal ah oo dil iyo dhaawac Kasoo geystay Magalada Garowe ee xarunta Dowlad goboleedka Puntland.

Ragan dilka iyo dhaawaca kasoo goostay magaalada Garawe ayaa halkaasi isaga soo baxsaday, waxaana ragan oo baadigoob ugu jireen laamaha ammaanka Puntland usoo baxsadeen magaalada Muqdisho oo ay ku dhuumanayeen.

Ciidamada booliiska ayaana xog ay heleen kaddib qabtay saddexdan nin ooĀ  Magaalada Garowe kusoo dilay Muwaadin lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Jeylaani, sidookale kusoo dhaawaceen Muwaadin oo lagu magacaabo Hanad Xasan Cawil.

Ragan ciidamada booliiska gacanta kusoo dhigeen ayaa loo gudbiyay xarunta dambi baarista ee CID-da, waxaana la sheegay in ay ku socdaan baaritaano loona gudbin doono maxkamad si loogu qaado dacwada loo heesto.

Ciidamada booliiska ayaa howlgalo maalmhii lasoo dhaafay ka wadeen magaalada Muqdisho kusoo qabtay rag dilal geestay iyo sidoo kale kooxo burcad hubeesan oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba shacabka u geesanayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -