Allbanaadir.com
NEWS

Madaafiic goordhaw lagu garaacay xarunta Madaxtooyada iyo xaafadaha ku dhaw dhaw

Waxaa goordhaw tiro madaafiic ah lagu garaacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana jugta madaafiicda si weyn looga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho.

Jugta ilaa shan madfac oo lagu tuuray dhinaca madaxtooyada Soomaaliya ayaa la maqlay, waxaana madaafiicda qaar wararku sheegayaa in ay ku dhaceen xaafado ku dhaw dhaw xarunta madaxtooyada dalka.

Madaafiicdan lagu garaacay xarunta madaxtooda Soomaaliya ayaan wali la ogeyn khasaaraha ka dhashay, sidoo kale lama oga in madaafiicdan ku dhaceen xarunta madaxtooyada iyo goobo kale oo ka baxsan.

Waxii warar kusoo kordha madaafiicdan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Mid kamid ah Wadamada Islaamka oo dhisanaya Caasimad cusub iyo hal Sabab oo keentay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Markabkii ay afduubteen Burcad badeeda Soomaalida (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---