Masuul kamid noqday dadkii ku dhintay Weerarkii lagu qaaday xarunta maamulka Gobolka Banaadir

Weerar isugu jiray qarax ismiidaamin iyo mid toos ah ayaa maanta lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab iyo shaqaale dowladeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in weerarka ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ku dhinteen shan qof oo shacab, mana sheegin dowladda masuuliyiin iyo askar dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray weerarka Al Shabaab fuliyeen.

Sida aan wararka ku helnay weerarka xarunra dowladda hoose ee Xamar lagu qaaday dadka ku dhintay waxaa kamid ah agaasimaha xafiiska baahiyaha gaarka ee gobolka Banaadir Axmed Xasan Warsame , masuulkan ayaana la sheegay in lagu toogtay gudaha xarunta maamulka.

Agaasimaha la dilay ayaa la sheegay in uu ahaa nin arag naafo ka ahaa, waxaana ciidamada dowladda iyo dadkii kale ee ku sugnaa xarunta maamulka gobolka Banaadir ku guul dareesteen in ay badbaadiyaan noloshiisa.

Weerarka  ayaa xilliga uu dhacay waxaa xarunta ku sugnaa qaar kamid ah guddoomiye kuxigeennada maamulka gobolka Banaadir, agaasimayaal iyo shaqaale ,kuwaa oo goobta si degdeg ah uga baxsaday markii uu weerarka bilowday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -