Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) RW Khayre oo booqday Injineeradii Turkiga ee ku dhaawacmay qaraxii Afgooye

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xassan Cali Khayre ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo lagu daweynayo dhaawacyada weerarkii lala eegtay Injineerrada Turkida ah iyo ciidamada amniga ee ku howlanaa dhismaha waddada Muqdisho & Afgooye.

Maamulka Isbitaalka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay Xaaladda Dhaawacyada oo qaarkood ka soo reynayey, kuwo kalena ay weli la tacaalayaan dhaqaatiirta isbitaalka.

Khayre ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada, isagoo inta hadalka awoodi kartay ka wareysanayey xaaladooda caafimaad iyo dhibaatada soo gaartay.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xassan Cali Khayre ayaa ILAAHAY uga baryey dhaawacyada inuu caafimaad taam ah siiyo, isagoo maamulka iyo dhaqaatiirta isbitaalka kula dardaarmay iney ku dedaalaan baxnaanintooda.

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhimatay  15 kale oo ay ku jiraan 6 ka mid ah injineerada Turkigana wey ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Afgooye maalmo ka hor kaasoo lala beegsaday shaqaalahan Turkida ee ka qeyb qaadanayey dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye iyo ilaalo la socotay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo Shaacisay tirada dadkii ku dhintay qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Odayaal ‘ka baxsaday ciidan uu usoo diray’ Axmed Madoobe oo ka cararay Kismaayo iyo Wararkii ugu danbeeyay !!

admin

Gudoonka Golaha Shacabka BFS oo beeniyey warqad lagu faafiyey baraha bulshada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---