Maamulka Gobolka Banaadir oo War kasoo saaray weerarkii xaruntooda lagu soo qaaday

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda Mudane Ciise Guure  oo shir jiraa’id ku qabtay Aqalka dowladda hoose ee Xamar ayaa boggaadiyey sida ciidamada amniga ay usoo gabagabeeyeen weerarkii Al Shabaab ay kusoo qaadeen xarunta maamulka gobalka Banaadir .

Guddoomiye Ciise Guure ayaa tilmaamay in ciidamada amnigu ay ku guuleysteen soo afjarida 6 ka tirsan ragii weerarka soo qaadday, kuwaasi oo mid ka mid ah ismiidaamiyay, halka 5-ta kale iyagoo gaarin qorshihii ay la damacsanaayeen shaqaalaha iyo bulshada usoo adeeg doontay xarunta lasoo afjaray.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ciise Guure ayaa tacsi u diray ehellada 5-ta muwaadin ee ku dhimatay weerarkan, isagoo caafimaad u rajeryey inta dhaawacantay.

Ciise Guure ayaa sheegay falalkan waxashmimada ah ee ay geysanayaan Al Shabaab ay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in kooxdan laga suuliyo gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed, iyadoo uu dalka ka socdo dagaalka looga xoreynayo kooxda Khawaarijta.

Dhammaad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -