Weerarkii xarunta G/Banaadir oo lasoo afjaray iyo Dowladda oo Shaacisay khasaaraha ka dhashay

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa duhurnimadii maanta weerar ismiidaamin ku bilowday ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, waxaana qaraxa kaddib xarunta dagaal ku galay dabley hubeesan oo katirsan Al Shabaab.

Xarunta gobolka waxaa ka dhacay dagaal muddo saacado ah socday oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxda weerarka ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, gudaha xarunta ayaana laga maqlayay qaraxyo iyo rasaas culus.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaana gabaldhicii maanta soo afjaray weerarkii raga hubeesan ku galeen xarunta maamulka gobolka Banaadir, waxa ayna ciidamada dileen dhammaan ragii hubeesnaa ee galay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in weerarka Al Shabaab ku qaadeen xarunta gobolka Banaadir ku dhinteen shan qof oo shacab ah sidoo kale ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale.

Dowladda ayaa sheegtay in raga hubeesan ee katirsanaa Al Shabaab yimaadeen xarunta gobolka iyaga oo lugeenaya, waxa ayna dowladda shaacisay in kooxdan hubeesan ee weerarka fulisay ay soo xirteen dareeska ciidanka dowladda .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -