Allbanaadir.com
GALMUDUG

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Guddi labo dhinac iska soo xuleen (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta waxaa uu kulan wadajir ah la qaatay guddi ay iska soo xuleen malaaqyada dhaqanka, guddiga farsamada shirka iyo culima’udiinka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha oo furitaanka shirka ka dib kulamo kala duwan la qaadanaayay ururada bulshada rayidka oo ay ugu horreeyaan odayaasha dhaqanka iyo culimadda ayuu maanta kulan la qaatay Guddiga Farsamo ee matala odayaasha dhaqanka, culimadda iyo Guddiga Farsamada Shirka .

Kulan ayaa waxay uga doodeen qiimeynta iyo in baaritaan lagu soo sameeyo xal u helida dhacdooyinkii dhacay iyo xalinta caqabadaha kale ee taagan, iyadoo guddigu uu warbixintooda kusoo celin doonan Golaha Malaaqyada Dhaqanka, Guddiga Farsamada iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS.

Related posts

Maxaad ka taqaan Xildhibaanka ugu Aqoonta badan Baarlamaanka cusub ee Galmuug ?(Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Qoorqoor oo dhagax dhigay Madaxtooyada cusub ee Galmudug

Caydiid Ali

Madaxweyne Xaaf oo shaaciyay Magacyada Senataro iyo Wasiiro faro galin ku haya (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---