Maxaad ka taqaan Xildhibaanka ugu Aqoonta badan Baarlamaanka cusub ee Galmuug ?(Sawirro)

Waxaa maanta guddiga farsamada iyo maamul u dhisida Galmudug shaaciyeen Liiska 83-Xildhibaan oo kamid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo ka kooban 89-Xildhibaan.

Xildhibaanadan cusub uu yeeshay Baarlamaabka Galmudug ayaa wax badan ka duwan Baarlamaankii hore ee waqtigiisu dhamaaday, waxaana Xildhibaahadan u badan yihiin dhalinyaro aqoonyahano ah oo kasoo baxay Jaamacado.

Waxaa sidoo kale Baarlamaanka cusub ee Galmudug ku jira siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray iyo sidoo kale Xildhibaano kamid ahaa Baarlamaankii hore Galmudug ee Waqtigiisu dhamaaday.

Dr. Maxamed Nur Gacal ayaa noqday Xildhibaanka ugu aqoonta Badan Baarlamaanka cusub ee Galmudug, waxa uuna Xildhibaanka oo sidoo kale ah Musharaxa Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug uu heestaa Shahaadada 3 aad ee PhD uu ka diyaariyay Sharciga.

Xildhibaanka ayaa kasoo shaqeeyay Dhanka Waxbarashada uu bare Jaamacadeed ka noqday, waxa uu sidoo kale kasoo shaqeeyay Hay’ado kala duwan oo isugu jira kuwa caalami ah iyo kuwa gudaha ah.

Dr Gacal ayaa sidoo kale soo noqday Wasiiru-Dowlihii Wasaarada arimaha Dibadda Soomaaliya dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna ahaa Wasiir saameyn badan ku dhax lahaa Xukuumadii uu katirsanaa.

Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal ayaa hada u sharaxan Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, waana ninka loo saadaalinayo in uu noqonayo Gudoomiyaha cusub uu yeelan doono Baarlamaanka Galmudug.

Baarlamaanka Galmudug ayaa sanadkan nasiib u yeeshay in ay kamid noqdaan dad badan oo aqoonyahano ah, waxaa sido kale la rajeenayaa in Baarlamaanka uu noqdo mid tayo leh hadii uu Hogaan u noqdo aqoon yahay Maxamed Nuur Gacal.

W/Q Gacal Ayman

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -