Allbanaadir.com
NEWS

Labo Hindise Sharciyeed oo maanta la horgeeyay Xildhibaannada Golaha Shacabka (Sawirro)

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 12-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo ajandihiisu ahaa;

1) Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya
2) Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga Xil. Maxamuud Cabdiraxmaan ‘Beenabeene’ ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya sidoo kale Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Xil. Maxamed Cali Xagaa ayaa ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in Guddiyada Arrimaha Gudaha & Amniga iyo Guddiga Dhaqalaha Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka BJFS u ku wareejiyo labada Hindise Sharciyeed,

Related posts

Madaxweyne Xasan oo dhambaal iyo fariin u diray shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Madaxweyne Muusi Biixi oo shardi adag ku xiray wadahadal ay la galaan dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade

Maxay ku kala duwan yihiin ciidamada Haramcad iyo kuwa Kumandoska Gorgor?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---