Aadan Madoobe oo arrin soo korortay kala hadlay guddiga farsamada shirka Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta waxaa uu kulan wadajir ah la qaatay guddi ay iska soo xuleen malaaqyada dhaqanka, guddiga farsamada shirka iyo culima’udiinka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha oo furitaanka shirka ka dib kulamo kala duwan la qaadanaayay ururada bulshada rayidka oo ay ugu horreeyaan odayaasha dhaqanka iyo culimadda ayuu maanta kulan la qaatay Guddiga Farsamo ee matala odayaasha dhaqanka, culimadda iyo Guddiga Farsamada Shirka.

Waxay kulankaas uga doodeen qiimeynta iyo in baaritaan lagu soo sameeyo xal u helida dhacdooyinkii dhacay iyo xalinta caqabadaha kale ee taagan, iyadoo guddigu uu warbixintooda kusoo celin doonaan Golaha Malaaqyada Dhaqanka, Guddiga Farsamada iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku guda jira xalinta tabashooyinka siyaasiyiinta ka aragti duwan maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasoo qeyb ka ah shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee ka socda Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -