(Sawirro) Madaxweyne Qoorqoor oo dhagax dhigay Madaxtooyada cusub ee Galmudug

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta daahfuray Mashruuca dhismaha Madaxtooyada Galmudug iyo xarumaha afar wasaaradood.

Afarta wasaaradood ee xarumaha loo dhisayo ayaa kala ah Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha gudaha, amniga iyo qorsheynta ee dowlad goboleedka Galmudug.

Hirgelinta mashruucan balaaran ayaa waxa iska kaashanaya maamulka Galmudug iyo hay’adda SSF sida uu sheegay Madaxweyne Qoorqoor oo intaas ku daray in dhismaha mashruucan la dedeji doono, maadaama baahi weyn loo qabo.

“Hoggaanka cusub ee Galmudug waxa ka go’an dib u dhiska deegaanka iyo hirgalin hay’adda dowli ah oo si hufan adeegyada loo igmaday” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -