Maxay Al-Shabaab u dooratay Galcad, ugana weecatay Ceeldheer iyo Xarardheere?

Saaka ciidamo xooggan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday xerada ciidamada Danab ee ku taalla Galcad ee gobolka Galgaduud.

Degmadan waxay ka mid ahayd saddex degmo oo ay qabsadeen ciidanka dowladda maalmo ka hor kuwaasoo kala ahaa Galcad, Ceeldheer oo ka tirsan Galgaduud iyo Xarardheere oo hoos taga gobolka Mudug.

Sababta ugu weyn ee ay Al-shabaab u doorteen Galcad ayaa lagu sifeeyey iney tahay, iyadoo ay halkaas fadhiyeen ciidanka ugu badan kumandoska Danab oo heysta hub culus kuwaasoo Mareykanku soo tababaray.

“Al-shabaab waxay dooratay inay beegsato meesha ugu culus ee awoodda cadowgoodu taallo. yacni haddii ciidankaas la jebiyo waxay go’aamineysaa masiirka ciidanka kale ee ku sugan Ceeldheer iyo Xarardheere” ayuu yiri khabiir ku Xeeldheer arrimaha amniga.

Saraakiil ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga Somalia ayaa laga soo xigtay in Galcad la dhigay ciidamo hub culus heysta oo fara badan si ay gurmad ugu noqdaan hadii Al-shabaab ay weeraraan Ceeldheer iyo Xarardheere, taasoo ka dhigan in Al-shabaab ay weerareen ciidankii ay isku haleynayeen labadaas degmo.

Inkastoo la soo sheegayo in ciidankii fadhiyey Galcad ay iska caabiyeen weerarka lagula soo jarmaaday, haddana khasaare xoog leh ayaa la soo sheegayaa inuu soo gaaray, waxaana lagu dilay dagaalka taliye ku-xigeenkii ciidanka Danab G/lle Xassan Tuure oo ahaa sarkaal muhiim ah u ahaa howlgalada socda.

Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa dhowaan sheegay iney wax ka bedeleen taatikadii dagaal ee ku wajahneyd Al Shabaab, ayna arrintaas sabab u noqotay guulaha dagaalka laga gaaray.

“Markii hore wuxuu dagaalku ku socday deegaan qabasho iyo is-ballaarin hase ahaatee qorshaha dagaalka Muddooyinkan dambe waala bedelay, waxaana xoogga la saaray magaalooyinka muhiim ah oo ah meelaha ay adeega iyo biyaha ka helayeen, haddii magaaladii iyo ceelasha lagala wareego godad cidlo ah iney galaan imisa ayey qaadan kartaa iney ku jiraan,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Haddaba dad badan ayaa isweydiinaya waxa laga faaiiday in la bedelo taatikadii dagaalka ee markii hore lagu socday mar Hadii Al-shabaab ay soo qaadeyso weeraro culus oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -