(Daawo Sawirro) Maxaa looga hadlay shirkii Golaha wasiirada Xukuumada Somalia?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada.

Shirkan ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin dib u howlgelinta Guddiga Gurmadka abaaraha, Amniga guud ee dalka iyo Caabuqa COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasiirada inay sida ugu haboon ay gurmad deg deg ah gaarsiiyaan goobaha laga soo sheegayo abaaraha, si loo caawiyo bulshada Soomaaliyeed ee ay abaartu ku dhufatay.

Rooble ayaa ku booriyey golaha wasiirada iney dardar geliiyaan shaqada ay u hayaan bulshada, ayna si hufan u gutaan waajibaadkooda Qaran inta lagu guda jiro xiliga kala guurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -