(Sawirro) Aadan Madoobe oo arrin muhiim ah kala hadlay siyaasiyiinta diidan Laftagareen?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan la qaatay qaar ka mid ah Midowga Musharraxiinta KGS iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed, waxaana uu kala hadlay arrimaha shirka dib u heshiisiinta.

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madasha Samatabixinta iyo Midowga Musharraxiinta Koonfur Galbeed ayaa waxay diirada ku sareen sidii loogu guuleysan lahaa gogosha taala magalada Baydhabo ee looga arrinsanaayo dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed.

Shiikh Aadan Madoobe ayaa ku dadaalaya sidii shirkan ay uga soo bixi lahaayeen go’aano dan u ah maamulka Koonfur Galbeed iyo xubnaha ka soo horjeeda

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka oo ku guda jira xalinta tabashooyinka siyaasiyiinta ka aragti duwan maamulka Koonfur Galbeed ayaa kormeeray qeybo ka mid ah meelihii ay dhowaan shaqaaqooyinka ka dhaceen ee magaalada Baydhabo isagoo warbixin ka dhageystay baraha ay degan yihiin ciidamada KGS iyo guryaha siyaasiyiinta ka aragti duwan Maamulka KGS.

Guddoomiye Shiikh Aadan oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa mid mid ula fariistay isla-markaana uu kala hadlay in laga wada shaqeeyo ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida magaalada si ay mira dhal u noqoto dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, waxaana uu Guddoomiyaha faray ciidanka in aysan qaadin wax talaabo ah oo lid ku ah xasiloonida deegaanka, isagoo ka digay in magalada Baydhabo xiligaan qalalaaso laga abuuro lana ilaaliyo wax kasta oo daganaashaha shacabka wax u dhimi kara.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa askartii waxyeeladu ka soo gaartay hoyga wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Farkeeti isla-markaana laga qaatay hubkoodi ayuu Guddoomiyuhu amray in dib loogu celiyo, kuwaasoo ilaalinayay hooyga wasiirkii hore.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -