(Akhriso) Dowlada Somalia oo sheegtay in boqol dagaalyahan lagu dilay weerarkii Galcad

Dowlada Somalia ayaa war ka soo saartay dagaalo qaraar oo saaka ka dhacay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen xoogaga Al-shabaab oo dhowaan halkaas lagala wareegay, warka dowlada ayaana sidan u qornaa

WAR-SAXAAFADEED

Muqdisho, 20 January 2023: In ka badan 100 maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa saaka la dilay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud halkaas oo ka mid ah goobihii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta.

Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta waxaana meydadkooda ay daadsan yihiin goobta dagaalka uu ka dhacay, iyadoo halkaasi looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay khawaarijtu xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.

Mujaahidiinta Xoogga Dalka waxaa dagaalka uga Shahiiday 7 askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa Guutada Danab. Goobta waxaa si buuxda gacanta ugu haya Ciidamada Xoogga Dalka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa Saaxiibada Caalamiga ah oo gacan ka gaystay jabinta Khawaarijta.

Dawladdu waxay Ilaahay uga rajeynaysaa in uu shahaadadooda u aqbalo Mujaahidiinta Xoogga Dalka ee goobtaas ku shahiiday, iyadoo dhanka kalena hambalyo u diraysa geesiyaasha halganka adag kula jira Khawaarijta.

Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dalka ka ciribtirto Khawaarijta oo hadda maraysa marxalad naf la caarinimo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -