Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Dagaal culus oo ka dhacay degaan ku yaalla duleedka Balad-weyne & Al-shabaab oo..

Dagaal adag oo u dhexeeya ciidamada deegaanka iyo dagaallamayaasha AS ayaa goor dhow ka bilowday deegaanka Beerxaano ee duleedka magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii ciidamada deegaanku weerareen goob dhaq-dhaqaaqa AS ay ku sugnaayeen maalmihii lasoo dhaafay.

Xogta horudhaca ah ee la helayo ayaa sheegeysa in uu jiro khasaare nafeed, balse lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah.

Dagaalka oo hub culus la isku adeegsanayey ayaa laga maqlayay deegaanada hoos yimada Beledweyne, isagoo soo gaaray illaa maqribnimadii caawa.

Saraakiisha ciidamada xoogaga deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka socda ay khasaara xoogan ku gaarsiyeen al shahaab islamarkaana ay fashiliyeen qorshe aay doonayeen in ku gudbiyaan saraakiil ka tirsan kooxdaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Cabsi laga qabo inuu faafo Cudurka Ebola ee ka dilaacay Ugandha (Sawirro)

Caydiid Ali

Xiisad ka jirta degmada Kaxda & Ciidanka Puntland oo weeraray Nabadoon caan ah oo ….

admin

Haan weyn oo kusoo caarisay Xeebta Ceel Macaan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade