Ilhan Cumar oo Raali galin Deg deg ah ka bixisay Yahuud Naceyb lagu eedeeyay

Ilhan Cumar oo noqotay gabadhii ugu horeesay ee asalkeedu Soomaali yahay ee kamid noqota Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa raali galin deg deg ah ka bixisay qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka.

Barta Twitterka ay ku leedahay Ilhan Cumar ayey ku qortay qoraal ay ku sheegeesay in qaar kamid ah Xildhibaannada Maraykanku ay maamulka Israa’iil u taageeraan ururrada u ol’oleeya awgeyd.

Ilhan Cumar ayaa si gaar ah u magacawday ururka Aipac ee ay Yuhuuddu leeyihiin uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil, arintan ayaana dhalisay in Ilhan Cumar la kulanto cambaareyn xoogan laguna qasbo in raali galin bixiso.

Xubno katirsan labada Xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga ayaa qoraalka Ilhan Cumar ku tilmaamay mid muujinaya Yahuud Naceyb, waxaana horey Ilhan Cumar loogu eedeeyay in Yahuuda neceb tahay.

Ilhan Cumar ayaa  raali galin ka bixisay qoraalka ay Twitterka soo dhigtay ee dhaleeceynta kala kulantay, waxa ayna Ilhan mar kale barteeda soo dhigtay Qoraal kale ay raalki galin ku bixineyso kadib markii ay wada hadleen gudoomiyaha aqalka Congress-ka Nancy Pelosi.

“Yuhuud nacaybku waa wax dhab ah oo jira, waxaana abaal u hayaa xulafada Yuhuudda iyo saaxiibbada kale ee wax iiga bidhaamiyay taariikhda xanuunka badan ee Yuhuud nacaybka, waa in uu markaste jiraa rabitaan ku saabsan in aad dib u istaagno aana ka fikirno dhaleecaynta la inoo soo jeediyo, sida aniguba aan u rajaynayo in dadku ay maqlaan marka kuwa kale ay aniga wax iga sheegaan” Ayey tiri Ilhan Omar.

Ilhan Cumar oo qaxootinimo ku gashay dalka Mareykanka ayaa ah gabar Muslim ah , waxa ayna Ilhan dhawaan kamid noqotay Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka kadib guul taariikhi ah ay gaartay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -