Afhayeenka TPLF oo si kulul u beeniyey hadal ka soo yeeray Midowga Afrika

TPLF ayaa beenisey hadal ka soo yeeray dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika, Olusegun Obasanjo, kaasoo ahaa in ciidamada Eritrea ay isaga baxeen waqooyiga gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaddib heshiis lagu soo afjarayo dagaalkii sokeeye.

Obasanjo ayaa todobaadkii hore sheegay in dhammaan ciidamada Eritrea ee ka barbar dagaalamayey ciidamada federaalka Itoobiya dagaalkii Tigray ee qarxay bisha Nofambar ee sanadka 2020-ka ay dib ugu laabteen xudduudda Eritrea.

Prof Kindeya Gebrehiwot, oo ah sarkaal ka tirsan kooxda TPLF, ayaa saaka soo galiyay sawirka askarta Eritrea oo la sheegay inay ku sugan yihiin magaalada Shire.

“Xaqiiqdu waxay tahay in ciidamada Eritrea ay weli joogaan Tigray, ma joogaan xudduudaha! Sawirkan oo dhawaan soo baxay, ayaa muujinaya ciidamada Eritrea ee ku sugan Shire.

Tigray waxay dhiibeen hubkii cuslaa, ciidamada Eritereya waxay ahayd inay ka baxaan Tigray, sida uu dhigayo heshiiska,” ayuu yiri.

Hadalka Obasanjo, ayaa sidoo kale waxaa beeniyay afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda, oo sheegay in saraakiisha AU-da ay tahay in ay “shaqadooda qabsadaan marka hore, ka hor inta aan la sheegin hadalkaas

- Advertisement -