Burcad mooto Bajaaj uu dhacay lagu qabtay isaga oo ku dhax wata Muqdisho (Sawirro)

Ciidanka booliska saldhigga degmada Cabdicasiis ayaa maanta qabtay mid kamid ah burcadda hubaysan, kaasi oo muwaadin Soomaaliyeed oo dhallinyaro ahaa ka dhacay Mooto Bajaaj uu lahaa kadibna ka badalay taargada.

Ninkan burcadka ah ayaa ciidamada ammaanka qabteen xilli uu watay mootadii uu dhacay oo horey loo raadinayay, waxaana ninkan si aan loo aqoonsan mootada ka bedelay taargada iyo astaamo kale oo lagu aqoonsan karay.

Ciidanka booliska degmada Cabdicasiis ayaa nikaan ka qabtay dhabarka danbe ee garoonka ciyaaraha Eng Yariisoow, waxaana haatan lagu soo xiray saldhigga degmada oo baaritaano dheeraad ah lagula sameenayo.

Saldhigga degmada Cabdicasiis waxaa sidoo kale gaaray milkiilihii lahaa mootada la dhacay ee laga badalay taargada, waxa uuna dhibanaha saldhigga geeyay cadeemo muujinaya lahaanshiyaha mootadiisa.

Ciidamada booliiska oo maalmihii lasoo dhaafay xoojiyay howlgalada xaqiijinta amniga caasimadda ayaa ku guuleestay in ay soo qabtaan kooxo burcad hubeesan oo dadka shacabka ah dhac iyo dhibaatooyin kalaba ku hayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -