Jaamacadda ACCORD ee Muqdisho oo la hordhigay dalab muhiim ah

Qaar ka tirsan ardayda wax ka barata Jaamacadda Accord faraceeda Muqdisho, ayaa ka dalbaday hormuudka Jaamacadda in loo sameeyo fagaare lagaga doodo dhacdooyinka siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee dalka ka dhaca, waxaanna ay sheegeen in fagaarahaasu noqon doono mid lagu gorfeeyo arrimaha xasaasiga ah ee dalka ka dhaca, tallooyin turxan bixin ahna lagaga jeedin doono hay’adaha Dowladda & dhinacyada ay quseyso.

Maxamed Xassan Xaashi oo ka mid ah ardayda wax ka dhigata Jaamacadda Accord, una waramayay Somali Nederland TV ayaa ku nuuxnuuxsaday in 335 arday oo ka mid ah ardayda dhigata Jaamacadda in ay u gudbiyeen codsi mas’uuliyiinta sare ee Jaamacadda Accord.

“Isbeddel kasta oo la doonayo inuu dalku wajaho ma noqon karo waxyi dusha sare ka imaanaya, dadka bulshada hormuudka u ah oo ay ku jiraan ardayda & aqoonyahanada ayeey ku waajibeysaa in ay u kacaan isbeddel lagu diirsado oo dalkoodu wajaho. Waxaad moodaa dadka Soomaaliyeed intooda badan in laga siibay xiddidkii laxa-jeclada dalkooda, oo qof kastaba uu leeyahay, maxaa iga galay.? Dalka meelna kagama socono, aayatiinkeena & kan ubadkeena ayaa ku xiran waxaan u baahanahay in wixii wanaag ahna aan garab istaagno” Ayuu yiri Maxamed Xassan Xaashi, isaga oo intaasi ku daray in dalku u baahan yahay dhalinyaro maskaxdoodu ay furan tahay.

ā€œDalku, wuxuu ku jiraa marxalad adag oo qofka damiirkiisu nool yahay uu ka gil-gilanayo. Waxaa jira su’aalo fara badan oo ay tahay in la isweydiiyo, weliba lagu celceliyo, ayna su’aalahaasi ka jawaabaan dhinacyada ay quseysoā€ Ayuu yiri Maxamed Xassan Xaashi, isaga oo intaasi ku daray in sababaha mushkiladaha dalka ka dhacaya sii seeta-dheereynaysa ay tahay iyada oo aysan jirin cid lagala xisaabtamayo jariimooyinka dalka ka dhacaya.

ā€œInkastoo xilliga marka loo eego sidii ay xaaladu aheyd ay rajo muuqato, haddana mar walba waxaa dhaca dilal, dhac & kufsi loo geysanayo rayidka, tacadiyadaas qaybo ka mid ah waxaa geysta ciidamada, siddeey ku dhici kartaa in ciidamadii loogu talogalay in ay shacabka ilaaliyaan in ay iyagu dhib u geystaan ? ” Ayuu isweydiiyay Maxamed Xassan Xaashi.
Maxamed Xaashi, wuxuu intaasi ku daray in si loo abuuro kalsooni bulshadu ku qabto Dowladeeda, in madaxda sare ay xoogga saaraan sareynta sharciga & in lala xisaabtamo hay’adaha cadaaladda & kuwa fuliya adeegyada bulshada.

“Dowladnimada waxaa halbowle u ah cadaaladda, cadaaladduna waa in ay dadku u sinaadaan, tan ugu muhiimsan waxay tahay la dagaalanka musuqmaasuqa, Soomaaliya qaran-jabkii ku dhacay waxaa u sabab ahaa cadaalad darro sababtay in sharcigu dad gaar ah uu qabto, kuwa kale na ay ka sareeyaan sharciga” Ayuu yiri Maxamed Xaashi, wuxuuna u mahadceliyay Xoghaya hay’adda UNASOMALIA Prof. Abdulkadir Basheer Mohamed.

 

- Advertisement -