Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin iyo haweeney walaalo ahaa (Sababta)

Al-Shabaab ayaa maanta barqadii degaanka Girilleey ee gobolka Gedo ku dilay laba ruux oo walaalo ah kuwaasoo lagu eedeeyey inay u basaasayeen sirdoonka dowladda Kenya.

Cabdisalaan Cusmaan Buraash iyo walaashiis Aamino Cusmaan Buraash ayaa la dilay markii lagu helay iney basaasiin u ahaayeen Kenya sida ay sheegtay Al-shabaab

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dadka la dilay ay qirteen iney u shaqeynayeen sirdoonka Kenya.

Degaanka Girilleey wuxuu hoostagaa degmada Ceelwaaq oo kaabiga ku haysa xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Maalmo ka hor ayey markii Al-Shabaab ay goob fagaare ah ku toogatay lix ruux oo lagu eedeeyey iney basaasiin ahaayeen.

 

 

Related posts

Video:-Ninkii ugu horeeyay ee ogaaday dhibaatada cusbadu u leedahay Jirka Bani’aadamka

admin

Hadalada beesha caalamku ka adag kuwii hore ee talaabada quman Maxay tahay?

Caydiid Ali

Fiqi oo War cusub ka soo saaray musiibadii ka dhacday..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---