Allbanaadir.com
NEWS

Xogta kulan dhexmaray Ku-xigeenka Raisul Wasaaraha & danjire Joacim Waern

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Joacim Waern.

Waxaa uu kala hadlay qodobo ay ka mid yihiin xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, waxuuna ku boorriyay dowladda Sweden in ay gacan ka geysato qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda, sida xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.

Dhankiisa, Danjiraha Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu dalkiisa ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isaga oo ballanqaaday inuu ku dadaali doono sidii loo sii horumarin lahaa xiriirkaas.

Related posts

Xoghayihii Xisbiga Himilo Qaran oo Shaqo joojin lagu sameeyay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Digniin laga soo saaray haan weyn oo oo lagu arkay xeebaha gobolka…

Cabdi Cade

Putin oo soo gebagebeeyey booqashadii taariikhiga aheyd ee Pyongyang (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---