Shirkii Deyn Cafinta Soomaaliya iyo IMF oo la soo gabagabeeyay (Daawo Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya Xil. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta soo xiray shir muddo toddobaad ah uga socday Magaalada Nairobi qaar kamid ah hey’adaha Dowladda iyo hey’adda Lacagta Adduuunka iyo Bangiga Adduunka.

Shirkaan ayaa muddadii uu socday waxaa diiradda lagu saaray dhammaan wixii ka qabsoomay fulinta shuruudaha deyn-cafinta oo qodobka ugu muhiimsan uu yahay dib u habeynta maaliyadda iyo ku dhaqmidda shuruucda.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii wadajir looga wada shaqeyn lahaa gaaridda natiijada barta loo yaqaano ‘kama-dambeynta deyn cafinta’ taas oo la rajeynayo in la gaaro dabayaaqada Sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka.

Waxaa shirkaan ka soo qeybgalay hay’adaha kala ah Wasaaradda Maaliyadda oo hoggaanka shirka ah, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasaaradda Badroolka, Bangiga Dhexe ee Dalka, Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -