Taliye Gorod oo soo saaray amar & digniin ku socota ciidamada Xoogga dalka

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Janaraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa amar ku siiyey ciidamada xoogga inay u hoggaansamaan dhowridda xeerka caalamiga ee xuquuqda aadanaha marka ay samaynayaan howlgallo militari.

Saraakiil sare oo ciidan oo ka socday howlgalka nabad sugidda ee AMISOM ayaa kamid ahaa saraakiishii ka qayb gashay munaasabad ka dhacday Akadeemiyadda tabbabarka militariga ee ku taalla magaalada Muqdishu halkaasoo ciidamada loogu sharraxayay waxaa uu yahay ‘xeerka caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqul insaanka.

Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod ayaa digniin ku bixiyay in ciidammada aanan ilaalinin xuquuqda aadanaha lala tiigsan doono maxkamad.

Xeerka dhowridda xuquuqda aadanaha waxaa kamid ah difaacidda shacabka iyo in aanan burbur loo gaysanin hantida shacabka marka ay howlgallada socdaan.

“Marka aad sugayso ammaanka oo aad dagaal kula jirtid kooxaha maleeshiyaadka, waxaa jira xeer caalami ah oo lagaa doonayo inaad ilaalisid kaasoo mas’uuliyad kaa saaran yahay inaad dhowrtid” ayuu yiri Gorod.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -