Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) RW Ku Xigeenka Soomaaluya & Mr. Gilles Michaud oo ka wada hadlay..

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Amniga iyo Badbaadada, Mr Gilles Michaud.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa warbixin ka siiyey Kaaliyaha guulaha ay dowladdu ka gaartay dagaalka ay kula jirto Khawaariijta iyo qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee ku wajahan xasillinta deegaannada laga xoreeyay argagixisada.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q.M. ayaa dowladda Soomaaliya ku amaanay guulaha ay ka soo hoysay dagaalka ay kula jirto argagixisada, isagoo tilmaamay in hay’adda Qaramadda Midoobayn diyaar u tahay in Soomaaliya kala shaqayso qorshaha xasillinta iyo sidii dadka ku sugan goobaha la xoreeyay loo gaarsiin lahaa gargaar degdeg ah iyo adeegyada assaasiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse Barre oo Daahfuray Adeegga Isku Xirka Shirkadaha Isgaarsiinta (Sawirro)

Caydiid Ali

Hoggaamiyaha Iran oo hanjabaad ay ka naxeen u diray Israa’il iyo Mareykanka

Cabdi Cade

Waa Kuma Ninka Qatariga Ah Ee Lagu Eedeeyey Qaraxyada Ka Dhaca Soomaaliya?!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---