Allbanaadir.com
NEWS

Mustaf Dhuxulow oo codsi muhiim ah u jeediyay dowladda Turkiga

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya , ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaatay xafiiskiisa Safiirka dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya Danjire Alper Aktaş, waxa ayna kulanka uga wada hadleen arrimo labaa dhinac khuseeya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, iyadoo Agaasimaha Guud HSJ uu uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale,  agaasimaha waxa uu la wadaagay muhiimadda ay leedahay fududeynta adeegyada dal-ku-galka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalaya Turkiga, wadaagista khibradaha, iyo bixinta tababaro lagu horumarinayo xirfadaha saraakiisha socdaalka Soomaaliyeed.

Danjire Alper Aktaş ayaa dhankiisa uga mahadceliyay agaasimaha soo dhoweynta diirran iyo wada hadallada mira dhalka ah, isagoo ballan qaaday in la sii xoojinayo iskaashiga labada dal. Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha socdaalka ee labada dhinac ay yeeshaan xiriir wada shaqeyn joogto ah si loo horumariyo adeegyada socdaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney 80-jir ah oo ka ganacsaneysay Maandooriye oo Muqdisho lagu qabtay

Cabdi Cade

Wasiir Ducaale oo booqday xerada tababarka ciidamada ee Har-qaboobe (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan Warbixin ka qoray sida Muuse Suudi ku yeeshay dhulka dowlada ku heesato (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---