Dowladda Kenya oo ka hadashay Wararka Sheegaya in Safaarad ka furaneyso Hargeysa

Warbaahinta qaar iyo baraha bulshada ayaa lagu baahiyay maalmihii lasoo dhaafay war sheegayay in dowladda Kenya safaarado cusub ka furaneyso magaalooyin dhoor ah ay ku jirto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbajoogta ee dowladda Kenya, Dr Alfred Mutua oo qoraal soo saaray ayaa beeniyay warkan lagu baahiyay warbaahinta qaar iyo baraha bulshada, waxa uuna xusay in uusan qorshaha ugu jirin in safaarad ka furtaan Hargeysa.

‘Waxaan rabaa inaan caddeeyo in Kenya aysan qorshaha ugu jirin inay safaarad ka sameysato magaalada Hargeysa, waana waxbo kama jiraan wararka lagu lagu sheegay baraha bulshada qaarkood ” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya safaarad ku leedahay magaalada Muqdisho, waxa uuna cadeeyay in Kenya mar walbo ilaalineyso xiriirka walaaltinimo ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Hadalka kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa imaanaya xilli la baahiyay in   Amar madaxweyne oo 9-ka bishan January ka soo baxay madaxweyne William Ruto lagu sheegay in Kenya ay safaarad iyo qunsuliyado ka furaneyso lix waddan.

Warkan ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya dooneyso in ay balaariso howlgalada diblumaasiyadeed ee dibadda, waxaana la shaaciyay in kenya safaarado cusub ka furaneyso magaalooyinka  Djibouti, Bern, Arusha, Goma, Jakarta iyo Hargeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -