Iran oo shaacisay tirada ciidamada Mareykanka ay ku dileen weerarkii Aargoosiga ahaa

Dowlada Iran ayaa xalay gantaalo ku weerartay saldhgyo ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalka Ciraaq, waxa ayna Iran weerarkaasi ku sheegtay mid aargoosi ah ay uga jawaabeysay dilkii Jeneraal Qasim Sulemani.

War laga sii daayay Telefishinka Dowlada Iran ayaa lagu sheegay in 15-gantaalo culus lagu weeraray labo saldhig oo ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalka Ciraaq , waxaana gantaaladan uu khasaaro kasoo gaaray ciidamada Mareykanka.

Telefishinka Iran warka laga sii daayay ayaa lagu sheegay gantaalada lagu weeraray saldhigyada Mareykanka ee Al-Asad iyo Erbil  lagu dilay 80-askari oo katirsan ciidamada Mareykanka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Dowlada Iran ayaa sidoo kale sheegtay in gantaalada ay bur buriyeen diyaarado iyo agab milatri, waxa ayna Iran weerarkan ku tilmaantay mid loogu aargudayay dilkii Mareykanka u geesteen Jeneraal Qasim Sulemani oo Mareykanka ku dileen Bagdaad.

Weerarkan aargoosi ah ay Iran ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee dalka Ciraaq ayaa laga cabsi qabaa in uu abuuro xaalad kale oo halis ah ayna dowlada Mareykanka iyana qaado weeraro kale oo aargoosi ah.

Sargaal sare oo katirsna Ciidamada Kacaanka Iran ayaa sheegay in Iran diyaar u tahay in ay qaado weeraro kale oo lagu bartilmaameedsanayo saldhiyo Mareykanka ku leeyahay Bariga Dhaxe hadii Mareykanka qaadaan weeraro aargoosi ah.

Dowlada Mareykanka ayaa horey ugu hanjabtay in ay qaadi doonto weeraro ka dhan ah xarumo badan oo Iran kuyaala hadii Xukuumada Tehran qaado weerar ay ugu aargudeyso dilkii Jeneraal Sulemani.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -