Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay tirada Akoonada laga xiray kooxda Al Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa Al Shabaab ku qaaday weerar dagaal too ah iyo mid dhinaca dhaqaalaha ah, waxa ayna dowladda qaaday tallaabooyin dhoor ah oo lagu yareenayo lacagaha Al Shabaab ka qaataan ganacsatada iyo dadka kale ee Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku guuleesatay in la xiro  250 akoono bangi iyo 70 Lambaro oo lacago loogu shubi jiray Al Shabaab.

“In ka badan 3kun oo kamid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa lasoo xiriiray dowladda (lambaradii hore loo baahiyay) kuwaasi oo usoo gudbiyay xogo ku aadan dhaqaalaha Al Shabaab ay sida xooga ah uga aruursaneysay dadka Soomaaliyeed. Natiijada horudhaca ah waxay suurta-galisay in la xayiro 250 Akoon, waxa sidoo kale macluumaadka ka yimid dadka Soomaaliyeed uu suurta-galiyay in la xanibo 70 Telefoon oo ah kuwa loo arkayay in kooxda ay u isticmaaleysay lacagaha sharci darada ah ee ka boobto dadka.” ayuu yiri Al Cadaala.

Waxa uu sheegay wasiirka in ay socdaan baaritaano iyo kala shaandheynta akoonada iyo numberada la xanibay, waxa uuna uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula wadaageen xogta Al Shabaab .

Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin ka dhan ah lacaga aAl Shabaab ka qaataan ganacsata iyo sidoo kale dagaalo kale oo dhinaca baraha bulshada, waxa ayna dowladda shaacisay in ay sii wadi doonto dagaalka dhinac kasta ah ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -