Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Saddex Safiir (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Faransiiska, Netherlands iyo Slovakia ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Arnaud Suquet Safiirka cusub ee dalka Faransiiska ee Soomaaliya, Mudane Maarten Brouwer Danjiraha Cusub ee Boqortooyada Netherlands iyo Marwo Katarina Zuffa Leligdonova oo ah Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Slovakia u fadhin doonta dalkeenna.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Related posts

Paul Biya oo markii 7-aad ku guuleestay in uu Madaxweyne noqdo

Cabdi Cade

Wasiirka Amniga oo ka hadlay wararka sheegaya in Dowlada Weerar ku tahay Saadaq Joon

Cabdi Cade

DFS oo shaacisay in Puntland ka diiday qorshe ay ciidamo uga qoran layaaheen ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---