Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Shirka Sannadlaha ee Garsoorka Dalka (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud oo furay shirka sannadlaha ah ee garsoorka dalka ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay dowladnimada Soomaaliyeed mideynta hannaanka shaqo ee garsoorka iyo hirgelinta caddaaladda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah awoodsiinta garsoor hufan, iyadoo shirarkii Madasha Wadatashiga ee Muqdisho ku soo gabagaboobay bishii la soo dhaafay lagu ansixiyey hannaanka Federaaleynta Garsoorka, dowladdana ay ka go’an tahay adkeynta madax-bannaanida iyo kalsoonida shacabku ay ku qabaan hay’adaha caddaaladda.

“Garsoorku waa madax-bannaan yahay. Golaha Saree e Adeegga Garsoorka waxaa loo sameynayo waa in aan la faro gelin. Ma dooneyno dalka Soomaaliya guduhiisa in ay ku noolaadaan labo muwaadiniin oo kala xuquuq ah oo lakala faddilo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bahda caddaaladda kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sugidda caddaaladda oo ay ka fogaadaan garab-siinta qofka dulmiga wada, isagoo hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay tayeynta iyo xoojinta awoodda iyo kartida hay’adaha fulinta caddaaladda.

“Labo Waxyaalood in aan laysku khaldin baan rabnaa, dalka in la federaaleeyo waa mid ku saleysan la isku hayo oo hal dal uu yahy. Midda kale, dalka in la federaaleeyo macnaheeda mahan in qofba Meesha uu rabo uu iska aadi karo oo dalku kala tago, maya taas”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in nabadda iyo caddaaladdu ay aas-aas u tahay nolasha iyo dowladdnimada waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan, codkooda iyo caqligoodana ay ku garab istaagaan xaqiijinta himiladooda ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Related posts

Wariye shaqadiisa uga tagay Dagaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya Owgeed

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dagaalo lagu hoobtay oo ka dhacay duleedka degmada Wanlaweyn

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay rag dil iyo dhac ka geestay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---