Faahfaahin: Dagaalo lagu hoobtay oo ka dhacay duleedka degmada Wanlaweyn

Dagaal saacado socday ayaa maanta gelinkii dambe ka dhacay duleedka degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose kaasoo khasaare badan dhaliyey

Sida ay wararku nagu soo gaarayaan dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka fudud ayaa ka dhex qarxay labo beelood oo wada dega tuulooyin hoos yimaada degmada Wanleweyn.

Labadan beelood ayaa isku heysta dhul beereed ku yaalla halkaas oo mid walba ay sheeganeyso iney iyadu leedahay, waxaana dagaalkan oo so gaaray caawa fiidnimadii uu sababay khasaarooyin kala duwan.

Ugu yaraan qof ayaa la soo sheegayaa iney ku naf waayeen dagaalkan kuwaasoo u badan maleeshiyooyinka iska horjeeday, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Ciidamo iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Wanleweyn oo ku fashilmay isku day la sheegay iney ku doonayeen joojinta dagaalkaas, ka dib markii labada dhinacba diideen joojinta colaada.

Qaar ka mid ah dadka dhaawaca a ayaa la sheegay in la soo gaarsiiyey goobaha caafimaadka degmada Wanleweyn, iyadoo qaar kale ay dhiig bax iyo daryeel xumo ugu dhimanayaan tuulooyinka lagu dagaalamay markii la waayey meel la marsiyo colaada halkaas ka jirta awgeed, xaalada goobahaas ayaana weli kacsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -