Wariye shaqadiisa uga tagay Dagaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya Owgeed

Wariye Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nasrudiin Xasan Daahir oo katirsanaa telefishinka Qaranka Itoobiya ETV ayaa shaqadiisa uga tagay dagaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta kunool Itoobiya gaar ahaan dagaalka kasoo cusboonaaday degmada Garba Ciise.

Qoraal uu soo saaray Nasrudiin Xasan Daahir  ayuu ku sheegay in uu go’aansaday in uu isaga tago shaqadii uu ka hayay telefishinka Qaranka Itoobiya kadib markii uu tilmaamay in si aan cadaalad aheyn wax looga tabin xaalada Soomaalida Itoobiya.

“Go’aankeygu wuxuu ku saleysan yahay kadib markii aan arkay caddaaladda darrada warbaahinta dalka oo aanan u sineyn in bulshada ay si sinaan wax ugu tebiso” ayuu yiri Wariye Nasrudiin Xasan.

Wariyahan ayaa sheegay in uu qaatay go’aanka uu shaqada telefishinka ETV uga tagay kadib markii uu ogaaday in uusan codkiisa ugu hiilin karin kuna soo bandhigi karin baahiyaha ay qabaan bulshada Soomaaliyeed uu kasoo jeedo.

“Mar haddii codkeyga aan ugu tebin karin baahiyaha bulshadeyda ayaa waxaan qaatay in aan sii wadi karin shaqada iyo xilka aan ka hayo warbaahinta qaranka, Turjaamano ayaan aheyn oo waqooyiga iyo dhibaatooyinka qowmiyadaha kale ka dhaca ayaan tebineyay” ayuu yiri Nasridiin

Wariyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala telefishinka Qaranka Itoobiya ayaan saameyn badan ku laheyn telefishinkaasi, mana baahiyaan inta badan baahiyaha ay qabaan Soomaalida kunool dalkaas

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -