Iska horimaad ka dhacay agagaarka garoonka Aadan cadde iyo sarkaal lagu dilay

Iska horimaad khasaaro geystay ayaa ku dhexmartay nawaaxiga Garoonka dayuuradaha Muqdisho ilaalada Xidlhibaan ka tirsan Golaha Shacabka iyo ciidamo ka tirsan kuwa NISA.

Sida wararku nagu soo gaarayaan israsaaseynta ayaa timid kadib markii Ciidanka NISA  ee ku sugan Kontrolka Madiino Gate ay isku dayeen inay celiyaan gaariga uu ;a socday Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ka yimid dhinaca Danwadaagaha kuna wajahnaa Garoonka.

Waxaa israsaaseynta oo muddo kooban socotay ku dhintay Askari ka mid aha Ciidada NISA ee ku sugnaa Kontrolja Madina Gate

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga ayaa ku soo baxay iska horimaadkan, kuwaasoo qaboojiyey xiisada halkaas ka taagneyd

Askariga israsaaseynta ku dhintay oo Magaciisa lagu soo koobay Carabey ayaa la sheegay inuu muddo badan ka shaqeeynayay Koontoroolka Madiino Gate.

Ilaalada ay wataan Xildhibanada iyo masuuliyiinta kale ee dowlada ayaa mararka mararka qaarkood xoog isticmala marka ay ka gudbayaan kontrolada ay joogaan ciidanka amaanka, taasoo khilaafsan nidaamka dowladnimada iyo kala dambeynta

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -