Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Shaaciyay tirada akoonada Bangi ee laga xiray Al Shabaab

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada Qaahir ayaa sheegay in xukuumadiisa dagaal toos ah iyo mid maaliyadeed ku qaaday kooxda Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare Xamse Barre in dagaal maaliyadeed ku qaadeen kooxda Al Shabaab uu sheegay in lacago badan oo baad ah ka qaadi jireen ganacsatada Soomaaliyeed iyo sidoo kale dadka shacabka ah.

Raisul Wasaaraha ayaa sheegay in Al Shabaab ka xireen 250 akoon oo ay ku lahaayeen 4 bangi, waxa uu sidoo kale xuay in ay xireen 70 number oo lacagaha loogu shubi jiray oo ay ku lahaayeen laba shirkadood.

Xamse Barre ayaa sheegay in xogta akoonada iyo numberada lacagaha loogu shubi jiray Al Shabaab ee la xiray in ay ka heleen shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii dowladda sameesay number dadka lasoo xiriiri karaan si usoo gudbiyaan akoonada iyo lambarada Al Shabaab lacaga loogu shubo.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in la baarayo lacagaha akoonada ku jira ee la xanibay iyo kuwa numberada iyana ku jiray, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha ammaanay wasaaraddo dhoor ah oo kaalin muuqata ka qaatay la dagaalanka Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -