Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika iyo Cabsi lasoo daristay Soomaalida kunool dalkaasi

Wararka ka imaanaya magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay kooxo burcad hubeesan halkaasi ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo goob ganacsi ku lahaa.

Burcad hubeesan ayaa xalay weerar ku qaaday Dukaan kuyaalay Deegaanka Khayalisha ee katirsan magaalada Cape Town, waxa ayna halkaasi ku dileen milkiilaha dukaankaasi oo lagu magacaabayay Mahad Salaad .

Burcada dilka geesatay ayaa sidoo kale la sheegay in ay horey u qaateen lacago iyo agab kale oo dukaanka yaalay, waxaana gacanta ciidamada amaanka ka baxsaday ragii dilkaasi ka dambeeyay.

Soomaalida kunool dalka Koonfur Afrika ayaa xiligan waxaa lasoo darsay cabsi xoogan ay ka qabaan in weeraro kaga yimaadaan kooxaha burcada, waxaana xiligan dalka Koonfur Afrika ku batay falal dambiyeedyada kala duwan.

Dalka Koonfur Afrika waxaa lagu dilay dad badan oo Soomaaliyeed oo dalkaasi nolol u raadsaday, mana jiraan cid dowlada Koonfur Afrika kala xisaabtantay tacadiya iyo dilalka loo geesto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jabhado iyo Kooxo Mucaarad ah oo ku Dhawaaqay Isbahaysi ka Dhan ah Abiy Ahmed

Cabdi Cade

Nin gubay xarun Baarlamaanka oo maxkamad lasoo taagay Dacwadna lagu soo oogay

Cabdi Cade

Imaaraadka oo ku hanjabay in uu Weerarayo magaalada dekadda leh ee Xudeydah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---